Muqdisho 2015 By Mohamed Midnimo
Dhowr bilood ka hor waxaan booqday magaala madaxda dalka Soomaaliya, Muqdisho. Bloggan waxaan idin kula wadaagayaa muuqaallada kaamiradeydu ay qabatay, iyadoo aan isku dayi doono inaan meeshii wax ka dheh u baahan idiin taab taabto. 😀😊
Ku soo dhawoow Muqdisho.
Waxaa la joogaa waqtiga salaadda casar ee Muqdisho. Cimilladu aad bey u qurux badan tahay. Cirkuna waa kii calanka lagu asteeyay. Waxaa lagu jiraa xilli roobaad, udugga neecaawda roobka ayaad dareemeysaa. Qeybo badan oo kamid ah waddooyinka Xamarna waxaa fadhiya biyo. Waxaan codbaahiyaha masaajidka ka maqlayaa 'u kaalay salaadda, u kaalay liibaanta..'

Arooryo baxsan, maalin boqran!

Bartamaha magaalada , xilli ay qorraxdu sii dhaceyso.
Xilliga bad xiranka waxaan doomaha u adeegsannaa inaan dadweynaha ku dalxiisinno oo qeybo kamid ah badweynta ayaan soo tusinnaa..

Ubaxan quruxda badan waxa uu ka baxaa xaafadaha Muqdisho. Nasiibdarro ma jirto cid ka faaiideysata oo waa uu dhintaa marka uu geedku waayo cid ka daryeesha.
Masjidka Darusalam

Waddo cusub oo aadda xaafadda cusub ee Darusalam

Wiil baadiyaha Muqdisho u dhow deggan oo magaalada ka yimid, una socda gurigooda oo aan dhex kula kulmay.
Qaar kamid ah cuntada Muqdisho.

Rashid Cabdullahi oo xeebta Liido buug ku akhrisanaya.

Dhallinyaro sawir isaga qaadeysa xeebta.

Kuwa kale oo maalinta ciidda sawir isaga qaadaya beerta nabadda.

Calanka dalka oo ka dul babanaya mid kamid ah doomaha badda.

Farshaxanka Happy Arts.
Masjidka Isbaheysiga Islaamka.
